Sunday, May 24, 2026
Home NEWS Cudurka Ebola oo ka dilaacay dalka Uganda

Cudurka Ebola oo ka dilaacay dalka Uganda

26

May 24(Jowhar)-Uganda ayaa xaqiijisay saddex kiis oo cusub oo Ebola ah, taasoo tirada guud ee cudurrada dalkaas ka dillaacay ka dhigaysa shan, iyadoo mas’uuliyiintu ay sare u qaadeen  xakameeyaan faafitaanka cudurka.

Tani waxay ku soo beegmaysaa iyadoo hay’adda caafimaadka dadweynaha ee Afrika ay Sabtidii ka digtay in 10 waddan oo kale ay halis ku jiraan iyada oo cudurka Bundibugyo ee Ebola oo aad u faafa uu ka sii faafayo   Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).

Uganda ayaa hakisay dhammaan gaadiidka dadweynaha ee taga DRC Khamiista si ay gacan uga geysato joojinta qulqulka fayraska.

Haweeney ka soo safartay dalka Kongo ee soo gaartay dalka Uganda ayaa oo la sheegay in looga shakisan yahay inay cudurkan haatan ka dilaacay Uganda sabab u ahayd.

Darawal baabuur ku soo qaaday haweeneydan iyo kalkaaliye caafimaad oo baaritaan ku sameeyay ayaa ka mid ah dadka u dhintey cudurkan.

Ku dhawaad ​​750 kiis oo looga shakisan yahay cudurkan dalka Kongo halka la xaqiijiyay illaa haatan inay kud hinteen 177 dhimasho.