Jun 04(Jowhar)-Dagaal shalay gelinkii dambe ka bilowday degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho ayaa joogsaday iyadoo haatan ay xaaladu caadi ku soo laabatay.
Ciidamada dowlada ayaa dib uga baxay fariisimihii ay kaga sugnaayeen halka uu dagaalku ka socday oo ahayd meel ku dhow guri uu degey ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre.
Waxa ay wararku sheegayaan in dadaalo ay sameeyeen odayaasha dhaqanka.siyaasiyiin iyo waxgarad ay ku guuleysteen inay ka shaqeeyeen in xabadda la joojiyo.
Qoysas badan oo degenaa xaafadaha uu dagaalku ka dhacay ayaa ka barakacay,waxaana ka dhashay dagaalka dhimasho,dhaawac iyo burbur hantiyeed.
Dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa qoraalo kala gaar gaar ah ka soo saaray dagaalka iyagoo ku baaqay in la joojiyo.
Dowladaha Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadihii ka dhacay Muqdisho, iyagoo ku tilmaamay xaaladda mid khatar ku ah amniga, xasilloonida iyo mustaqbalka Soomaaliya. Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa sheegtay in rabshaduhu yihiin kuwo aan laga fiirsan, isla markaana hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay masuuliyad ka saaran tahay ilaalinta xasilloonida iyo xalinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada-hadal nabadeed.
Dhanka kale, Dowladda UK ayaa sheegtay inay si weyn uga walaacsan tahay wararka ku saabsan rabshadihii xalay ka dhacay Muqdisho, iyadoo ku baaqday in dhammaan dhinacyadu muujiyaan is-xakameyn kana fogaadaan tallaabooyinka sii hurin kara xiisadda.
Labada dal ayaa carrabka ku adkeeyay in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay go’aamin karaan jihada amniga, midnimada iyo mustaqbalka Soomaaliya.










