Jun 11 (Jowhar)- Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa farriin hambalyo ah u diray hoggaamiyaha cusub ee Dowlad-goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur.
Guul taariikhi ah ayay u ahayd xildhibaanada iyo guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo markii hore kusoo baxay doorasho qof iyo cod ah.
“Allaha kula garabgalo masuuliyadda cusub Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur, waana rajeynayaa inaad ku hagto shacabka Koonfur Galbeed waayo-aragnimadaada Dowlad-dhiska Soomaaliya.”
Ugu dambeyn ,Madaxweynaha ayaa ku boogaadiyey shacabka Dowlad-Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya kaalinta ay ka qaateen hannaanka Dowladnimo.










