Saturday, June 13, 2026
Home NEWS Maalqabeenkii ugu horeeyay dunida oo noqday Tiryalaneer

Maalqabeenkii ugu horeeyay dunida oo noqday Tiryalaneer

92
Elon Musk's Starlink network suffers rare global outage
The incident was a rare disruption for Elon Musk's powerful satellite internet system

Jun 13 (Jowhar)-Maalqabaanka u dhashay dalka Maraykanka Elon Musk ayaa noqday qofkii ugu horeeyay aduunka ee gaara hanti ka gaaraysa in ka badan hal tirilyan oo dollar, kadib markii saamiyada shirkadiisa SpaceX ay sare u kaceen maalintii ugu horaysay ee liiska sarifka saamiyada ee Nasdaq.

Musk hantidiisu ayaa waxa ay gaartay hantidiisa $1.11 trillion, Sida laga soo xigtay Bloomberg Rich List,  taas oo xoojisay mansabkiisa shakhsiga ugu qanisan adduunka. Guusha waxa sii huriyay SpaceX’s IPO oo ku qiimeeyay $2.2 trillion.

Musk wuxuu leeyahay 42 boqolkiiba SpaceX, iyadoo qiimaha saamiyadiisa shirkadda lagu qiyaasay in ka badan $ 767 bilyan. Waxa kale oo uu leeyahay saamiyada Tesla qiimihiisu yahay boqolaal bilyan oo doolar

Maalqabeenkan hadda noqday trillionnaire ee Musk wuxuu ku dhawaad ​​afar jeer ka taajirsan yahay ninka ugu dhow ee Larry Page, wuxuuna in ka badan shan jeer ka taajirsan yahay madaxa Meta Mark Zuckerberg.

Taariikh ahaan, shakhsiyaadka adduunka ugu qanisan waxay kasbadeen hantida qaybaha sida maaliyadda iyo wax soo saarka.