Thursday, June 25, 2026
Home NEWS Magaalada Nairobi oo la xirey wadooyinka laga soo galo

Magaalada Nairobi oo la xirey wadooyinka laga soo galo

122

Jun 25(Jowhar)-Booliiska dalka Kenya ayaa maanta oo Khamiis ah dhigay jidgooyo si ay uga hortagaan gelitaanka magaalada caasimadda ah ee Nairobi, ka hor bannaanbax la qorsheeyay oo lagu xusayay laba sano ka dib markii ugu yaraan 60 qof ay ku dhinteen mudaaharaadyada dawladda.
Qoysaska ay eheladooda ku dhinteen mudaaharaadyada 2024-ka ayaa sheegay inay ka dhiidhin doonaan dib u dhaca caddaaladda ee dhibbanayaasha.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay ka gaabsatay hannaanka socda ee lagu doonayo in magdhow loogu bixiyo dadkii lagu xad-gudbay xuquuqul insaanka intii ay socdeen dibadbaxyada.

Toddobaadkii hore, madaxweyne William Ruto wuxuu sheegay in dadka loo oggolaan doono inay mudaaharaad sameeyaan, laakiin dawladdu waxay sidoo kale ilaalin doontaa xuquuqda carruurta inay aadaan iskuulada iyo shaqaalaha, isagoo ka digay isku dayo kasta oo ay dibadbaxayaashu ku doonayaan inay dalka xidhaan.

Wasiirka arrimaha gudaha Kipchumba Murkomen ayaa arbacadii sheegay in boolisku ay galbin doonaan dibadbaxayaasha balse waxa uu ka digay in dambiilayaasha iska soo dhigaya mudaaharaadayaasha aan loo ogolaan doonin inay gudaha u galaan oo ay weeraraan goobaha ganacsiga.

Subaxnimadii Khamiista, booliisku waxay jidgooyo ka dhigeen dhammaan waddooyinka waaweyn ee Nairobi ku xeeran, iyagoo u diidaya gaadiidleyda inay galaan magaalada. Dhismayaasha baarlamaanka ayaa wali go’doonsan, waxaana la xiray goobihii ganacsiga.
Hogaamiyayaasha mucaaradka ayaa taageeray mudaaharaadyada la qorsheeyay, iyaga oo ku baaqay daahfurnaan barnaamijka magdhowga dowladda.

Edith Wanjiku, oo wiilkeeda Ibrahim Kamau uu u dhintay laba xabbadood oo qoorta looga dhuftay, ayaa sheegtay in noloshu aad ugu adkaatay wiilkeeda oo 19 jir ah la’aantiis.

“Runtii waxaan si niyad ah u dhibtoonay labadii sano ee la soo dhaafay,” ayay u sheegtay Associated Press.

Wanjiku ayaa sheegtay in qoyskeeda aysan wali ka faa’ideysan barnaamijka magdhowga inkastoo ay u gudbiyeen dhammaan warqadihii looga baahnaa guddiga xuquuqul insaanka Kenya.

“Laba ka mid ah 10-kii qoys ee caruurtooda lagu toogtay maalintaas meel u dhow Baarlamaanka ayaa magdhow la siiyay, waxaana la yaabanahay shuruudaha ay dowladdu adeegsanayso,” ayay tiri. Intii lagu jiray mudaaharaadyadii Juun 2024, kumannaan dhallinyaro Kenyan ah ayaa xoog ku galay dhismaha baarlamaanka, iyagoo ku boorriyay sharci-dajiyayaasha inay u codeeyaan sharciga maaliyadda oo soo jeediyay in la kordhiyo canshuuraha in kasta oo ay sare u kacday qiimaha nolosha.

Ruto ayaa todobaadkii hore sheegay in magdhawga dawladdu uu ka dhigan yahay garowshiyo dawladeed oo ah in waxyeelladu dhacday oo aanay ahayn qirasho dembi.

Waxa uu sidoo kale sheegay in magdhowgu aanu ahayn “qiimaha nolosha, xanuunka ama khasaaraha,” iyo in aan loo arkin “abaalmarinta rabshadaha ama dambiyada” waddan ay ku badan yihiin mudaaharaadyada rabshadaha wata.