Thursday, June 25, 2026
Home NEWS Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku rigey Sacdiyo Bajaaj

Maxkamada gobolka Banaadir oo xukun ku rigey Sacdiyo Bajaaj

179

Jun 25(Jowhar)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta soo gabagabeysay dacwaddii loo haystay Sacdiyo Macalin Cali Xasan, oo loo yaqaan Sacdiyo Bajaaj, iyadoo ku xukuntay saddex sano oo xarig ah kadib markii lagu helay eedeymihii loo soo jeediyay.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Dabbaan, ayaa ku dhawaaqay xukunka, kaddib dhageysiyo dhowr ah oo kiiskan laga yeeshay. Intii ay socotay maxkamadeyntu, waxaa la soo bandhigay caddeymo kala duwan oo ay ku jireen muuqaallo lagu daawaday gudaha hoolka maxkamadda, halka Sacdiyo iyo qareennadeeda difaaca ay iska fogeeyeen eedeymaha ay soo gudbisay Xeer Ilaalinta Qaranka.

Qareennada difaacayay Sacdiyo Bajaaj ayaa dhankooda ka horyimid go’aanka maxkamadda, iyagoo sheegay in aysan ku qanacsanayn xukunka lagu riday. Waxay sidoo kale sheegeen inay qaadan doonaan racfaan si kiiska loogu gudbiyo Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir.

“Ma ku qanacsanin go’aanka la gaaray, waxaana qaadan doonnaa racfaan,” ayuu warbaahinta u sheegay mid kamid ah qareennada difaaca.
“Ciqaab meeshii ugu danbeysay ayey Maxkamaddu ku xukuntay Sacdiyo Bajaaj”.
ayuu yiri Abukaate Maxamed Sheekh.

Sacdiyo Macalin, oo muddo 74 maalmood ah ku jirtay xabsi, ayaa sii wadi doonta muddada xarigga ah ee lagu xukumay. Maxkamaddu waxay ku heshay dambiyo la xiriira kicin dadweyne iyo sumcad dilka hay’adaha dowladda iyo madaxda sare ee qaranka.

Sacdiyo Bajaaj ayaa si weyn looga yaqaan baraha bulshada, waxaana hore loogu arkay munaasabado iyo kulamo siyaasadeed oo ay qabteen kooxaha mucaaradka ah.