Friday, June 26, 2026
Home NEWS Xasan Sheekh oo shuruud ku xirey dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida...

Xasan Sheekh oo shuruud ku xirey dib u soo celinta muwaadiniinta Soomaalida ah ee qaarada Yurub

132

Jun 26 (Jowhar)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa ka hadlay tallaabada uu Midowga Yurub fiisaha ugu soo rogay Soomaalda,isagoo ku xirey shuruud in dib loogu soo celiyo muwaadininta Soomaaliyeed ee ku nool qaar ka mid ah dalalka Yurub.

Madaxweyne Xassan Sheekh oo khudbad ka jeedinayay xuska maalinta 26 June, ayaa kdudbaddiisa ku soo hadal qaaday qodobkan, isagoo beeniyay warka ka soo baxay Midowga ee ah in Soomaalidu diidday dib u celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed, Midowga Yurub iyo dadka jooga Yurub inaan u sheego, anaga ma aanan diidin dadkeena oo dalkan ayay leeyihiin, mana diidi karno, waxaan keliya is weydiineynaa dadkaas sida loo soo celinayo oo keliya oo aan su’aalo ka qabnaa”, ayuu yri madaxweynaha.

“Qof kasta oo midabkeennan leh, muuqaalkeena leh ee Geeska Afrika ku nool ayaa Soomaalinimo isu dhiibay siu u u helo sharciga magangalyada. Muwaadiniinta jamhuuriyadda Soomaaliya dalkan ayay leeyihiin lama diidi karo laakin waxaan waayo arag u ahayn oo aan u soo joognay dad la soo celiyay oo waa Soomaali la yiri oo la ogaaday inaysan Soomaali ahayn, af-soomaali aanay aqoonin, laakin maalinkay isdhiibayeen ayay Soomaali inay yihiin ay sheegteen, maanta marka waxaan taaganahay war aan hubinno dadkan inay Soomaali yihiin oo ay muwaadiniinta jamhuuriyadda Soomaaliya yihiin”, ayuu madaxweynuhu sii raaciyay hadalkiisa.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa sheegay inay ogol yihiin inay dadkaas soo celiyaan hadii la hubiyo inay Soomaali yihiin iyo sida loo keenayo, Waxaa u sheegay inay arrintaas tahay waxa ay isku heystaan Midowga Yurub.

“Kuwii sharciga waayay, waxaan rabnaa inay dalka dib ugu soo laabtaan, anaaga rabno, maalin walbo inta aan diyaarado kireyno ayaan ka soo qaxeynaa meelo ay joogaan”, ayu intaas ku daray.

Midowga Yurub ayaa soo rogay xayiraado ku meelgaar ah oo adkaynaya in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay helaan fiisaha Schengen, iyagoo ku sababeeyay in Soomaaliya aysan si ku filan ula shaqaynin aqbalidda dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee si sharci darro ah ugu nool waddamada Midowga Yurub.

Golaha Midowga Yurub ayaa sheegay in Soomaaliya aysan si ku filan uga qayb qaadan dib‑u‑celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee lagu amray inay ka baxaan dalalka xubnaha ka ah Midowga Yurub.

Iyadoo la raacayo tallaabooyinka cusub, muwaadiniinta Soomaaliyeed ma heli doonaan fiisaha Schengen ee dal kusoo‑gal badan (multiple‑entry), kuwaas oo u oggolaanaya haystayaasha inay dhowr jeer galaan aagga Schengen inta uu fiisaha shaqaynayo.