Wednesday, July 8, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Dimishiq.

Dowlada Soomaaliya oo cambaareysay Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay magaalada Dimishiq.

30

July 08 (Jowhar)-Dowlada Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerar qaraxyo ah oo lala beegsaday caasimadda Suuriya ee Dimishiq kaasoo ay u dhaawacmeen inku dhow labaatan ruux.

Qoraal ka soo b axay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ay si cad u diiddan tahay argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha ku dhisan nooc kasta iyo muuqaal kasta oo ay yeeshaan, iyadoo mar kale adkaynaysa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo argagixisada iyo horumarinta nabadda, amniga iyo xasilloonida.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa garab istaaggeeda buuxa oo ay la garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka walaalaha ah ee Jamhuuriyadda Carabta Suuriya, waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa dhammaan dhibbanayaasha iyo dadka uu saameeyay weerarkaan argagixisanimo, waxayna u rajaynaysaa dhaawacyada in alle siiyo caafimaad degdeg ah.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka Soomaaliya;