Wednesday, July 8, 2026
Home NEWS Farmaajo oo war ka soo saaray kulan ay yeesheen dowlada federalka iyo...

Farmaajo oo war ka soo saaray kulan ay yeesheen dowlada federalka iyo xisbigiisa

114

July 08 (Jowhar)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war saxaafadeed uu shaaciyay waxa uu ku sheegay in is-faham hordhac ah lagu gaaray wada-hadallo u dhaxeeyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxda uu hoggaamiyo ee Nabad iyo Nolol.
War Saxaafadeed lagu shaaciyay boggiisa Facebook ayuu Farmaajo ku sheegay in ⁠Wakiillo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka Nabad iyo Nolol ay kulan ku yeesheen magaalada Muqdisho, 7-da Luulyo 2026.

“Kulanka ayaa ku qabsoomay jawi deggan, waxa uu suurtageliyey in dhammaan dhinacyadu ay yeeshaan aragti isweydaarsi furan, hufan, isla markaana wax-ku-ool ah.”ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray Faramaajo.

Wada-hadalladan oo garwadeen ka tahay beesha caalamka ayaa la doonaya in xal looga gaaro xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka, taas oo mareysa meel xasaasi ah.

Waxa uu intaas kusii daray: “Dhinacyadu waxa ay Jamhuuriyadda Turkiga uga mahad celiyeen dowrka hagar la’aanta ah ee ay ka qaadatay fududeynta inta ay wadahadalladu socdaan.”

Wada-hadalladan ayaa waxaa Farmaajo ku metalayay guddi farsamo oo ka kooban illaa 7 xubnood, kuwaas oo u wakiishay inay uga qeyb-galaan wada-xaajoodkan xasaasiga ah.