Aug 11 (Jowhar)-Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedja magaakada Beledxaawo, kaasoo dhaliyay khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalka wuxuu u dhexeeyaa ciidamo kala taabacsan dowladda Soomaaliya iyo Jubaland, balae kasii wada jeeda hal qoys.
Dadka dagaalka saaka ku dhintay oo kudhow 10 ruux waxaa kujjra taliyihii booliska gobolka Gedo ee dhawaan xilkaasi ay ka qaaday dowladda Soomaaliya Xuseen Giif, Xuseen wuxuu lasafnaa dhanka Jubaland, waxaa isna dhaawac ah ninka marxuum Giif lagu bedelay ee Aadan Dhafoorey.
Dagaalka saaka wuxuu yimid kadib markii dhanka Jubaland ay magaalada ka jareen tubooyinkii biyaha keeni jiray, taasi waxey soo dadajisay in lagu weeararl deegaanka Tuulo Amiin oo 5KM u jirta Beledxaawo.
Ciidankii Jubaland ayaa u gudbay dhanka xuduuda Mandhera, xaalada haatan waa dagan tahay, walow labada dhinac ay hub uruursi wadaan.