Saturday, July 11, 2026
Home NEWS Dowlada Soomaaliya oo xabsiga u taxaabtay askar gubtay calanka Maraykanka

Dowlada Soomaaliya oo xabsiga u taxaabtay askar gubtay calanka Maraykanka

90

July 11 (Jowhar)- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay inay xirtay shaqsiyaad ku labisnaa dareyska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, kadib markii uu baraha bulshada ku faafay muuqaal muujinaya fal askar xiran dareeska ciidanka oo gubaya calanka Maraykanka.
War-saxaafadeed ay wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in falkaasi uusan ka tarjumayn qiyamka, anshaxa iyo xirfadda Ciidanka Xoogga Dalka, isla markaana uusan metelin mowqifka Wasaaradda Gaashaandhigga ama Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dadka ku lugta lahaa dhacdada waa la xiray, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen iyo tallaabooyinka sharci iyo kuwo anshax ee laga qaadi doono.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga Soomaaliya.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu xusay in Soomaaliya ay muhiimad gaar ah siiso iskaashiga dhinaca amniga ee kala dhexeeya Mareykanka, iyadoo sheegtay in wada-shaqeynta labada dal ay door muhiim ah ka qaadatay la dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish, iyo xoojinta hay’adaha amniga dalka.

Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa ugu dambayn ku celisay ixtiraamka ay u hayso shacabka iyo calanka Mareykanka, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay sii wadidda iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya labada dal.
Waxaa Muuqaalka ku faafay baraha Bulshada ayaa muujinaayay rag dhalinyaro oo xiran dareeska ciidanka oo kudul istaagaya calanka Dowladda Mareykanka.