July 15-(Jowhar)-Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa beeniyay in dekeda Boosaaso xiran tahay isla markaana uu maamulkiisu soo kordhiyay canshuuro.
Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in aysan jirin cashuur ay kordhisay dowladda, balse ay jirto khidmado laga qaadayo maraakiibta ku soo xirta janbiyada dekedda oo ay soo kordhisay shirkadda maamusha dekedda.
“Dekedda magaalada Boosaaso waxaad ogtihiin shirkad baa maalgelisay muddo badan ka shaqaynaysay, qof walba wuu qirayaa isbedelka ku dhacay dekeddeena, waxaa kordhay dhinacyadii ay kusoo xiran jiray maraakiibta, waxaa la qoday kanaalkii Maraakiibta waa weyn ay soo maraysay, waxaa lagu wadaa dib u casriyayn iyo ballaarin joogta ah’’ayuu yiri Madaxweyne Deni.
’Dowladda Puntland wax canshuur kordhin ah oo ay samaysay ma leh, canshuurta kordhinteedu nidaam (process) ayay martaa, miisaaniyada dalkeey gashaa, oggolaansho baarlaman beey martaa,”ayuu sii raaciyay.
Madaxweynaha Puntland wuxuu tilmaamay in hadda boqolkiiba boqol aysan xirnayn dekedda Boosaaso oo ay ka dhoofaan xoolaha, uuna ka soo dego shidaalka.
Madaxweynaha ayaa xusay in horumarin lagu sameeyay dekedda Boosaaso, isaga oo tilmaamay in la ballaariyay janbiyada, islamarkaana la qoday kanaalka ay soo maraan maraakiibta iyo doonyaha. Madaxweyne Deni wuxuu sheegay in ay lagama maarmaan tahay in la bixiyo khidmadahaas, isaga oo xusay in ay yihiin kuwa todobada sano looga turayay ganacsatada Puntland.










