Thursday, July 16, 2026
Home NEWS Taliyihii saldhiga Booliska degmada Jariiban oo la diley

Taliyihii saldhiga Booliska degmada Jariiban oo la diley

142

July 16-(Jowhar)-Wararka ka imanaya degmada Jariiban ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay halkaas lagu dilay taliyihii saldhiga booliska Gaanshaanle Guuleed Cabdulqaadir Kadleeye.
Dilka taliye Guuleed ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay qof hubeysan iyadoo ciidamada Booliskana ay u soo xireen hal ruux dilka taliyaha saldhiga booliska Jariiban.

War ka soo baxay Taliska Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in isaga oo kaashanaya odayaasha dhaqanka ay gacanta ku soo dhigeen Ibraahim Axmed Kooshin oo ku eedeysan inuu diley taliyihii saldhiga Booliska magaalada Jariiban.

Booliska ayaa xusay in eedeysane Ibraahim loo gudbin doono hay’adaha garsoorka ee awoodda u leh, si loo marsiiyo hannaanka cadaaladda.

Taliye Guuleed waxaa la sheegay inuu ahaa sarkaal dhalinyaro ah oo aad looga yaqaanay gobolka Mudug, wuxuuna inta uusan ku biirin Booliska Puntland soo noqday guddoomiyaha dhalinyarada iyo macalinka kooxda kubadda cagta degmada Jariiban.