Thursday, July 16, 2026
Home NEWS Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Maanta?

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirada Maanta?

75

July 16-(Jowhar)-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS, ee magacaabista Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, in uu noqdo Mudane Yaasiin Maxamuud Cibaar.
Kulanka golaha oo uu Shir-guddoomiyey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu kala diray Guddigii hore ee Rugta Ganacsiga waxaanna uu Guddoomiyaha Ku-meelgaarka ah diyaarin doonaa habraaca doorashada iyo dhisidda guddiga cusub muddo labo sano ah.

Golaha Wasiirrada, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno ku saabsan xaaladda amniga dalka iyada oo ay Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, soo bandhigtay howlgallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka, iyo Baarista Hantid-dhowrka Qaranka ee Sanadaha 2024-2025.

Golaha Wasiirrada, ayaa ansixiyey heshiisyo iyo habraacyo muhiim u ah Qaranka, kuwaas oo ay golaha usoo gudbiyeen Wasaaradaha Xukuumadda DanQaran waxa ayna kala yihiin.

1. Habraaca isku xirka farriimaha dowladda xilliyada xaaladaha degdegga ah ee la xiriira falalka argagixisada.

2. Hindise-Sharciyeedka Sharciga Dhismaha Hey’adda Dakhliga Qaranka.

3. Heshiis is af-garad oo u dhexeeya Dowlaha Soomaaliya iyo Croatia, kuna saabsan Watashiyada Siyaasadeed ee labada dal.

4. Heshiis is af-garad oo u dhexeeya Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Xiriirka Caalamiga ah iyo Barnaamijka Horumarinta ee Qaramada Midoobay (UNDP).

5. Heshiis is-afgarad oo u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudiga kuna saabsan Horumarinta Iskaashiga Deegaanka ee labada dal.

6. Axdiga Dhismaha Kooxda Istaraatiijiyadda Macdanta Afrika iyo Iskaashiga Horumarinta Macdanta Muhiimka ah.

Ugu dambayn, kulanka Golaha Wasiirrada ayaa darajada Safiirnimo u dallacsiiyey Mudane Shaafi Nuur Calas Faarax, halka Danjire Cabdifitaax Maxamed Ibraahim loo magacaabay Safiir.