Friday, July 17, 2026
Home NEWS Muwaadin Soomaali ah oo loo gacan geliyay dowlada Maraykanka

Muwaadin Soomaali ah oo loo gacan geliyay dowlada Maraykanka

91

July 17-(Jowhar)-Waxaa soo baxaya warar sheegaya in dowlada Soomaaliya ay ku wareejisay xukuumada Maraykanka Cabdikariim Cabdullaahi Ciidle, oo lagu eedeeyay inuu ka mid ahaa shaqsiyaadkii ugu muhiimsanaa musuq-maasuq ka dhacay gudaha dalka Maraykanka.
Cabdikariim, oo 42 jir ah, ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay waxa uu ku jirey gacanta ciidamada Soomaaliya waxaana la geeyey gobolka Minnesota.

Ma jiro illaa hadda wax war ah oo ka soo baxay dowlada Soomaaliya balse dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in lagu soo wareejiyey Ciidle loona haysto illaa 31 dambi.

Saraakiil ka tirsan FBI-da iyo hay’adda dambi-baarista canshuuraha Mareykanka ee IRS ayaa Cabdikariim ka soo galbiyay Soomaaliya, kadib wada-shaqeyn dhex martay laamaha Mareykanka, Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka Soomaaliya iyo Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Cabdikariim, oo deggenaa magaalada Burnsville ee gobolka Minnesota, ayaa wajahaya 31 dacwadood oo ay ku jiraan shirqool lagu sameeyay khiyaano dhanka isgaarsiinta ah, laaluush la xiriira barnaamijyada dowladda iyo lacag-dhaqid.
Waxaa lagu wadaa inuu Jimcaha maanta ah markii ugu horreysay kasoo hor-muuqdo garsoore federaal ah oo ku sugan Minnesota.

Ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa Cabdikariim ku qabtay Muqdisho 25-kii June, ku dhowaad afar sano kadib markii maxkamad federaal ah oo Mareykanka ku taalla ay soo saartay waaran lagu soo xirayo.