July 17-(Jowhar)-Dabley hubeysan ayaa afduubatay Markab marayay meel ku dhow xeebta koonfureed ee dalka Yemen.
Ragga afduubka geystey oo la rumeysan yahay inay yihiin burcad badeed Soomaali ah ayaa markabkan oo lagu magacabo Asana balse aan la shaacin dalka leh calanka uu ku safrayay ayaa ku sii jeeday dekeda Boosaaso ee gobolka Bari.
Markabka ayaa marayay dhanka bari ee Gacanka Cadmeed, masaafo dhan 65 mayl-badeed koonfur ka xigta dekedda Al Mukalla ee dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda ciidamada badda ee Britain ee UKMTO subaxnimadii Jimcaha.
Waxaa socda dadaallo lagu caawinayo markabka Asana iyo sidii loo ogaan lahaa sida ay wax u dhaceen, ayuu yiri sarkaal ka tirsan howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub ee Aspides, kaasoo ka howlgala badda cas iyo gacanka Cadmeed.
Markab dagaal oo laga leeyahay Kuuriyada Koonfureed ayaa ku sugan aaggaas, sida uu sarkaalku u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Faahfaahinta ku saabsan tirada dableyda markbka afduubatay iyo xaaladda markabka iyo shaqaaluhu weli ma cadda,” sida ay sheegtay kooxda maaraynta khatarta badda ee Ingiriiska ee Vanguard.










