Saturday, July 18, 2026
Home NEWS Maamulka Waqooyi Bari oo ka hadlay baxsashada Fahiima Quuje

Maamulka Waqooyi Bari oo ka hadlay baxsashada Fahiima Quuje

114

July 18-(Jowhar)-Xafiiska xeer ilaaliyaha guud iyo kan guddoonka barlamaanka maamulka Waqooyi Bari aaya war ka soo saaray go’aankii ay xildhibaanad Fahiima Yuusuf Quuje kaga tanaasushey midnimada Somalia uguna biirtay Maamulka Somaliland, oo shaaciyey inuu ka go’ay Somalia inteeda kale.
Guddoonka barlamaanka Waqooyi Bari ayaa soo bandhigay warqad ku taariikhaysan 10 July 2026 oo uu xeer ilaaliyaha guud kaga codsanayo inuu dacwad ku soo oogo xildhibaanad Fahiima Yuusuf Quuje oo lagu eedeeyey faafinta warar been abuur ah iyo wiiqidda midnimada reer Waqooyi Bari.

Go’aanka ay qaadatay Fahiima Yuusuf Cabdullahi (Quuje) ayaa dhaliyay hada-heyn xooggan iyo xasaasiyad wayn, maadaama ay ahayd gabar firfircoon oo hormuud u ahayd dhismihii maamulkan iyo ololaha midnimada dalka.