July 18-(Jowhar)-Dowladda Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa 16-kii July 2026 si rasmi ah u kala saxeexday heshiis la xidhiidha hawlgalka badda ee EUNAVFOR ASPIDES, kaas oo lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka.
Heshiisku wuxuu dejinayaa qaab-dhismeedka sharci ee hagaya joogitaanka iyo hawlaha ciidamada iyo shaqaalaha loo dirayo taageeridda hawlgalka ASPIDES, isagoo sidoo kale sii xoojinaya iskaashiga lagu horumarinayo amniga badda iyo xasilloonida Badda Cas iyo guud ahaan gobolka.
Hawlgalka ASPIDES waa hawlgal difaac oo badeed oo uu Midowga Yurub u aas-aasay ilaalinta maraakiibta ganacsiga iyo xaqiijinta xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas. Hawlgalkani wuxuu door muhiim ah ka qaataa sugidda ammaanka mid ka mid ah marin-biyoodka ganacsiga ugu muhiimsan caalamka.
“Saxeexa Heshiiskani wuxuu ka tarjumayaa kalsoonida labada dhinac iyo sida ay uga go’an tahay nabadda, amniga iyo iskaashi wax ku ool ah. Waxa kale oo uu muujinayaa in iskaashigoodu ku salaysan yahay qiyam iyo mabaadi’ ay wadaagaan, sida ixtiraamka sharciga caalamiga ah, xasilloonida gobolka iyo iskaashiga dhinacyada badan” ayaa lagu yiri warbixin ay si wada jir ah usoo saareen.
“Midowga Yurub wuxuu sii ahaanayaa lammaane istaraatiiji ah oo muhiim u ah Jamhuuriyadda Jabuuti gudaha gobolka iyo meelaha ka baxsanba. Goobta juqraafiyeed ee gaarka ah ee Jabuuti iyo doorkeeda joogtada ah ee nabadda iyo amniga gobolka ayaa ka dhigaya waddan lama huraan u ah wax ka qabashada caqabadaha wadajirka ah iyo ilaalinta xorriyadda isu socodka maraakiibta.”ayaa lagu yiri warka ka soo baxay labada dhinac
Jamhuuriyadda Jabuuti iyo Midowga Yurub ayaa muujiyay rajada ay ka qabaan in ay sii xoojiyaan iskaashigooda si ay u gaadhaan himilooyinka wadajirka ah ee la xidhiidha amniga, xasilloonida, iyo horumar waara.










