Booliska Punand oo war kasoo saaray dil ka dhacay magaalada Garoowe

0
98

Aug 11 (Jowhar)Booliiska Puntland ayaa sheegey in ay bilaabeen baadhitaanka fal dil ah oo ka dhacay xaafadda Naaso-Hablood, halkaasi oo lagu diley AUH Khadar Cabdi Yuusuf Nuur (Ina Caasho Sulub), oo 25 jir ahaa, isla markaana ahaa darawal mooto-bajaaj.

Booliisku waxa ay sheegeen in marxuumka ay dileen koox burcad ah oo ku hubaysnayd toorey, kuwaas oo falka kadib goobta ka baxsaday.

“Ciidanka booliska ayaa markiiba gaaray goobta, waxayna ku guuleysteen in ay soo qabtaan dad lagu tuhmayo kiiskan. Waxaa socda baaritaan rasmi ah, waxaana boolisku caddeeyeen in faahfaahinta dhabta ah laga war sugi doono inta hawlgalka baarista uu socdo.” — Booliiska Puntland.