Tuesday, July 21, 2026
Home NEWS Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay inay xayiraad badda ah ku soo rogeen Sacuudi...

Xuutiyiinta oo ku dhawaaqay inay xayiraad badda ah ku soo rogeen Sacuudi Carabiya

184

July 20 (Jowhar)-Xuutiyiinta Yemen ayaa ku dhawaaqday inay xayiraad dhanka badda ah ku soo rogeen Sacuudi Carabiya, taasoo ah tallaabo cusub oo dagaal, isla markaana ballaarinaysa khatarta ku wajahan sahayda tamarta adduunka iyo ganacsiga ka baxsan Khaliijka.

Ku dhawaaqista ayaa timid inkastoo ay jiraan calaamado muujinaya in Tehran iyo Washington ay doonayaan inay dib u bilaabaan diblomaasiyadda si ay u joojiyaan weerarada ay isku hayaan kadib markii ay burburtay heshiis ku meel gaar ah oo ay kala saxiixdeen Maraykanka iyo Iran bishii hore.

Iran ayaa ku cadaadineysay Xuutiyiinta inay xirto marinka Bab el-Mandeb ee dhanka Badda Cas haddii Mareykanka uu sii wado weerarada ka dhanka ah kaabayaasha dhaqaalaha Iran.

Xiritaanka buuxa ee baddan ayaa hoos u dhigi doonta shidaalka caalamiga ah 7% sababtoo ah waxay keeni doontaa inta badan dhoofinta saliida Sacuudiga inay awoodi waayaan inay ka baxaan gobolka.

Bayaankooda, ciidamada qalabka sida ee Xuuthiyiinta waxay ku sheegeen inay ku dhawaaqayaan “cunaqabatayn badeed oo ka dhan ah dambiilayaasha cadawga Sucuudiga, iyadoo lagu salaynayo isbarbardhigga” si ay uga jawaabaan waxa ay ugu yeereen “go’doomin xaq-darro iyo dulmi ah” oo uu Sucuudigu ku soo rogay Yemen.