Wednesday, July 22, 2026
Home NEWS Doorashada Galmudug oo markale dib loo dhigey

Doorashada Galmudug oo markale dib loo dhigey

79

July 22 (Jowhar)-Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa ku dhawaaqay in dib loo dhigay doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee Dowlad Goboleedka Galmudug, taas oo markii hore loo qorsheeyay inay qabsoonto 25-ka Luulyo 2026.

War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in go’aanka dib u dhigista uu yimid kadib codsi iyo soo jeedin ay gudbiyeen ururrada siyaasadda, kuwaas oo dalbaday waqti dheeraad ah si ay ugu diyaar garoobaan doorashada.

Sida ku cad war-saxaafadeedka, doorashada ayaa hadda la qorsheeyay inay qabsoonto 30-ka Luulyo 2026, iyadoo guddigu sheegay in go’aankaasi waafaqsan yahay sharciga doorashooyinka. Guddiga Doorashooyinka ayaa ugu baaqay dhammaan ururrada siyaasadda ee ka qeyb galaya doorashada inay ka faa’iideystaan muddada dheeriga ah, isla markaana ay dhammeystiraan diyaar-garowgooda si doorashadu ugu dhacdo si hufan oo waafaqsan sharciga.

Sidoo kale, guddigu wuxuu ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha doorashada inay sii xoojiyaan wada-shaqeynta iyo ilaalinta hannaanka doorashada, si loo xaqiijiyo qabsoomidda doorasho xor iyo xalaal ah.