Guddiyo ka kala socda dowladda iyo mucaaradka oo shir uga socdo Muqdisho

0
473

Aug 12 (Jowhar) Kulan ayaa xilligan u socda Guddi min saddex xubnood ah oo ka socda Mucaaradka iyo Xukuumadda oo dhameystir u ah wada hadalkii u dhaxeeyay Madaxweynaha iyo Madasha Samatabixinta.

Xubnaha Guddiga min saddexda xubnood ah ayaa kala ah Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Saalax Jaamac, Wasiirka Cadaaladda Xasan Macalin iyo Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Gaani, halka dhanka kale ay ka socdaan Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Maxamed Mursal oo ah Guddoomiye kuxigeenka Madasha Samatabixinta, Xildhibaan C/raxmaan C/shakuur iyo Wasiirkii hore Arrimaha Dibadda Axmed Ciise Cawad.

Kulankan ayaa looga hadlayaa farsamo ahaan sidii looga heshiin lahaa cutubka afaraad ee wax ka bedelka Dastuurka lagu sameeyay oo ahaa qodobka ugu weyn ee la isku mari la’yahay, iyadoo la filayay in shalay laga heshiiyo war murtiyeedyo iyo sida loo dhigayo qaabka farsamo ahaan looga heshiiyo cutubka afaraad.

Saacadihii u dambeeyay ayaa waxaa shaki weyn ku yimid natiijada laga filan karo shirka Arbacada ee berri  laga dhur-sugayo in heshiis laga gaaro, hase ahaatee rajadaas waxaa mugdi gelisay is diiwaan gelintii maanta ee Madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashada qof iyo cod ee golayaasha deegaanka oo ay Mucaaradka ka soo horjeedaan hannaanka loo marayo.