Tuesday, August 4, 2026
Home NEWS Xaflada Sanadguurada 1aad ee aasaaska Maamulka Waqooyi Bari oo lagu qabtay Laascaanood

Xaflada Sanadguurada 1aad ee aasaaska Maamulka Waqooyi Bari oo lagu qabtay Laascaanood

32

Aug 04 (Jowhar)- Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa boqolaal shacab ah iyo hoggaanka sare ee dowlad-goboleedka Waqooyi Bari caawo kala qeybgalay xafladda sanad-guuradda koowaad ee kasoo wareegtay asaaska maamulkan, taas oo lagu qabtay fagaare ku yaala magaalada Laascaanood.

Hadal-jeedin dhinacyo badan taabanaysay oo uu Ra’iisul Wasaare Xamsa ka jeediyay ayuu ku bogaadiyay sida maamulka durba u hano-qaaday, isaga oo u qirey Waqooyi Bari ka maamul ahaan wax badan u qabsoomeen, tahayna in shacabka ay ku faro adeegaan. Wuxuu intaas ku daray in dowladda Federaalka ka go’antahay tabantaabinta Waqooyi Bari oo uu xusey in ay tahay astaan midnimo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyo u diray shacabka reer Waqooyi Bari meel walba ay joogaan dal iyo debbadba, wuxuuna bogaadiyey horumarka ay ku tilaabsatay halkaa sanno oo uu jiray maamulka Waqooyi Bari.

“Deegaankaan dad geesiyaal ah ayaa kasoo jeeda, ummadda Soomaaliyeedna raadkaasi ayey daba socdaan, muddo dheer oo uu dagaal ku jiray, haddane ku socdo waa sababtaasi, meel fog baad dadka Soomaaliyeed ugu qorontihiin, hormuudna waa u tihiin” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Wuxuu ugu baaqay shacabka iyo maamulkaba in si walaalnimo ah oo daris-wanaag ah kula dhaqmaan dowlad-goboleedyada kale , lana tixgaliyo xiriirka ehelnimo ee bulshada ka dhaxeeya.

Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo xalay hadal ka jeediyay magaalada Laascaanood ayaa yiri “si kastaba ha u qaraaraato, Waqooyi Bari siidaaya maxaabiista oo idinka ku hormara”.

Dhanka kale maamulka Somaliland ayuu ugu baaqay in uu aqbalo maamulka Waqooyi Bari, islamarkaana colaadda labada dhinac lagu dhammeeyo wahadahal ay garwadeen ka yihiin odayaasha dhaqanka iyo guddiyada nabadda.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa hambalyeey doorashadii qof iyo cod ee dhowaan ka dhacday Galmudug, wuxuuna xusey in meelo kale oo dalkana laga qaban doono, si awoodda shacabka loogu celiyo. Wuxuu cambaareeyay aragtiyada siyaasiyiinta qaar kasoo yeeraya ee ah in talada dalka laga saaro gacanta Soomaalida, taas oo uu sheegay wax aanan marnaba dhici doonin.

Mar uu soo hadal-qaaday caqabadaha waaweyn ee dalka haysta ayuu sheegay in ay kala yihiin kooxagaha argagixisada ee fikradaha qaldan xambaarsan iyo kooxaha siyaabaha kala duwan u abaabul ee horumarka dowladnimo ee dalka diiddan.

Intii ay xafladda socotay waxaa hadalo kooban jeediyay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiiradda Federaalka oo ay faahfaahiyeen mashaariic heerkii fulinta gaaray ee haatan laga hirgalinayo deegaanadan.