Wednesday, August 5, 2026
Home NEWS Dagaal xoog leh oo saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo

Dagaal xoog leh oo saaka ka bilowday magaalada Gaalkacyo

161

Aug 05 (Jowhar)-Dagaal ayaa saaka lixdii subaxnimo ka bilowday waqooyiga magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeya ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.

Dhawaqa hubka culus ayaa laga maqlayaa aaga xerada PSF oo u dhaxaysa garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf iyo deegaanka Jeexdin, halkaas oo sidoo kale laga arko qiiq iyo uuro ka baxaysa.

Sidoo kale waxaa jira hoobiyeyaal ku soo dhacay qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo sababay khasaare gaaray dad rayid ah.

Gooboha ganacsiga magaalada Gaalkacyo qaarkood ayaa xiran, iyada oo dhaqdhaqaaqa magaaladana uu aad u yar yahay.

Ilaa iyo hadda lama hayo tiro rasmi ah oo ku saabsan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka, maadaama uu weli socdo.Dagaalkan ayaa imanaya xilli ay sare u kacday xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee gobolka Mudug.

Dowladda Puntland ayaa hore ugu eedeysay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay ciidamo iyo hub u dirtay deegaannada ay maamusho, gaar ahaan waqooyiga Gaalkacyo, isla markaana ay saldhigyo ciidan ka sameysatay magaalada iyada oo aan lagala tashan maamulka Puntland.