U gudub nuxurka
Isniin, 16 Nofembar 2026 6 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Hospital Cop31 Crash

Cali Jeyte oo la dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan aay daganen

Cali Jeyte oo la dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan aay daganen Wararka
Cali Jeyte oo la dalacsiisay xilli xiisadda Hiiraan aay daganen

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cali Jeyte Cismaan, hoggaamiyihii hore ee Macawiisleyda gobolka Hiiraan, siisay darajada Sarreeye Guuto, xilli ay sii xoogeysanayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan magaalada Beledweyne.

Sida ay sheegayaan wararka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cali Jeyte gaarsiiyay darajada Sarreeye Guuto, halka Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan la siiyay darajada Gaashaanle Sare.

Sida ay sheegayaan wararka, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Cali Jeyte gaarsiiyay darajada Sarreeye Guuto, halka Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Guddoomiyaha gobolka Hiiraan la siiyay darajada Gaashaanle Sare.

Sidoo kale, 87 sarkaal iyo askari oo kasoo jeeda gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in la siiyay dallacsiin iyo darajooyin ciidan oo kala duwan.

Tallaabadan ayaa loo arkaa dadaal ay Villa Soomaaliya ku dooneyso inay ku dejiso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka jiraan khilaafyo xooggan oo u dhexeeya maamulka Hirshabeelle iyo hoggaanka dhaqanka ee beesha Xawaadle.

Cali Jeyte oo maalmihii lasoo dhaafay gaaray magaalada Beledweyne ayaa hadallo dhaliil ah u jeediyay dadaallada Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo mas’uuliyiinta taageersan.

Dhanka kale, Cali Jeyte ayaa hadda si cad ula safatay maamulka Hirshabeelle, isaga oo taageeray Madaxweyne ku-xigeenka maamulkaas, Cabdi Fitaax Xasan Afrax, arrintaas oo kusoo beegmeysa xilli uu gobolka ka taagan yahay loollan siyaasadeed oo sii xoogeysanaya.

More News