Aug 05 (Jowhar)-Puntland ayaa Faahfaahin ka bixisay dagaalkii maanta ka dhacay duleedka berri magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeyay ciidamdeeda iyo ciidamada PSF oo hadda ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Booliska Puntland ayaa lagu sheegay in xerada PSF lagu qabtay ka mid ah saraakiishii hoggaaminaysay ciidamada PSF, kuwaas oo kala ah Giijaale Cabdi Baydhabo, taliyihii PSF ee Gaalkacyo Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliya.
Puntland waxay tilmaantay in ay howlgalkaas ku qabatay maxaabiis dhan 101 askari oo ka tirsan PSF iyo sidoo kale askar dhaawac ah oo gaaraya lixdan askari.
Sidoo kale Puntland ayaa sheegtay in ay dagaalkaas ku qabatay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo sida ay tilmaantay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Puntland ayaa xustay in dadka dhaawaca ah ay la wareegi karaan eheladooda, marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus.
HOOS KA AKHRI WAR-SAXAAFADEEDKA
Gaalkacyo, Agoosto 05, 2026: Ciidanka Difaaca Puntland ayaa maanta si guul leh u soo gabagabeeyey hawlgal amni oo qorshaysnaa kana dhacay magaalada Gaalkacyo, kaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxo hubaysan oo ku sugnaa magaalada, kuwaas oo falalkoodu khatar ku ahaa amniga iyo kala dambeynta.
Hawlgalka ayaa lagu soo qabtay saraakiishii hoggaaminaysay kooxaha hubaysan, waxaana ka mid ah Giijaale Cabdi Baydhabo, Taliyihii maleeshiyaadka Gaalkacyo Baariyoow, ku-xigeenkiisii Mahad Mowliid, iyo shakhsigii u qaabilsanaa maamulka xogta (Database) ee Booliska Soomaaliyeed.
Hawlgalka waxaa lagu soo qabtay 101 eedeysane, halka sidoo kale gacanta lagu dhigay 60 qof oo dhaawac ah. Marka laga reebo saraakiisha iyo shaqsiyaadka loo haysto dambiyada culus, ehellada dadka dhaawaca ah waxay la wareegi karaan iyagoo raacaya habraacyada ay dejinayaan hay’adaha amniga iyo garsoorka.
Hawlgalka waxaa sidoo kale lagu qabtay hub, gaadiid iyo agab ciidan oo kala duwan, kuwaas oo ay ka mid yihiin tuutayaal Boolis, qoryo, rasaas, jeebbooyinka gacanta lagu xiro (handcuffs), kabaha Booliska iyo agab kale oo ay ku jiraan qalab ka mid ah deeqihii Dawladda Shiinaha ugu deeqday Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Ciidanka Difaaca Puntland waxay uga digayaan dhammaan shaqsiyaadka iyo kooxaha hubaysan ee weli ku sugan deegaannada kala duwan inay si degdeg ah isugu dhiibaan Dawladda Puntland, kuna soo laabtaan dariiqa sharciga.
Ciddii diidda inay u hoggaansanto awaamiirta hay’adaha amniga waxaa laga qaadi doonaa tallaabooyin adag oo waafaqsan sharciga, waxaana laga fulin doonaa hawlgallo sharciyeysan oo lagu xaqiijinayo amniga, xasilloonida iyo kala dambeynta dalka.
– DHAMMAAD –





