Aug 06 (Jowhar)-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi oo socdaal shaqo oo rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Cirka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Cirka Pakistan, Air Chief Marshal Zaheer Ahmed Baber Sidhu.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga milatari, horumarinta awoodaha Ciidanka Cirka, tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo kor u qaadidda xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga iyo difaaca.
Wasiirka waxaa kulanka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Cirka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Cabdirisaaq Maxamuud Xaaji, iyo masuuliyiin kale.
Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda ayaa maanta booqday Taliska Ciidanka Badda Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Badda Pakistan, Admiral Naveed Ashraf.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada amniga badda, horumarinta iyo tayeynta awoodaha Ciidanka Badda Soomaaliyeed, tababarrada, iyo is-weydaarsiga khibradaha, iyadoo labada dhinac ay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta wada-shaqeynta istaraatiijiyadeed ee Soomaaliya iyo Pakistan.
Sidoo kale wasiir Fiqi ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.
Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Fulinta shirkadda, Mudane Asad Kamal, oo warbixin ka siiyay awoodaha shirkadda ee dhinacyada warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee difaaca. Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha ciidamada iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee shirkaddu leedahay.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha Jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar. Wasiirka ayaa halkaas kaga dhageystay warbixin ku saabsan doorka ay jaamacaddu ku leedahay waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka sare ee ciidamada.
Wasiirka waxaa kormeerka ku wehliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Mudane Sheekh Nuur Maxamed Xasan, Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed, Admiral Guuto Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar, iyo masuuliyiin kale.





