Monday, August 10, 2026
Home NEWS Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo maanta la dooranayo

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka oo maanta la dooranayo

17

Aug 10-(Jowhar)-Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay maaanta doortaan Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa waxaa ku tartamaya Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Xildhibaan Cabdulqaadir Cumar Macallin (Daada), iyadoo cod-bixintu noqon doonto mid qarsoodi ah.

Musharraxa ku guuleysta doorashada maanta ayaa noqonaya Guddoomiyaha 8-aad ee Golaha Shacabka tan iyo sannadkii 2000, wuxuuna beddeli doonaa Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo loo doortay hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.
Labada musharax ayaa hore xilal uga soo qabtay hay’ada Nabad Sugida iyadoo mid ka mid ah labada musharax uu haatan ka tirsan yahay golaha wasiirada xukuumada federalka Soomaaliya.

Natiijada doorashada ayaa si weyn loo sugayaa, iyadoo Guddoomiyaha cusub uu hoggaamin doono Golaha Shacabka xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad siyaasadeed oo xasaasi ah, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka, khilaafaadka siyaasadeed iyo jihada mustaqbalka dalka.