Aug 12 (Jowhar)-Waxaa magaalada Muqdisho shalay soo gaaray Sheekh Cabdulaahi Maxamuud oo ku magac dheeraa Sulfa kaasoo hore uga tirsanaa fanaaniinta Soomaaliyeed balse ku noolaa muddo dheer dalka Sacuudi Carabiya.
Sheekh Cabdulaahi Sulfa waxaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdulfataax Qaasim Maxamuud.
Sheekh Cabdullaahi Zulfa wuxuu hore uga mid ahaa fanaaniintii caanka ahaa ee Soomaaliyeed, isagoo ka tirsanaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada, waxaana lagu xusuustaa kaalintii uu ka qaatay fanka iyo wacyigelinta bulshada.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi iyo Wasiir Cabdulfataax Qaasim ayaa Sheekh Cabdullaahi Zulfa ku bogaadiyey ku soo laabashadiisa dalka hooyo, iyagoo xusay kaalinta qiimaha leh ee uu ku leeyahay taariikhda fanka iyo bulshada Soomaaliyeed.
Sheekh Cabdullaahi Zulfa ayaa mudo dheer ku noolaa dalka Sacuudi Carabiya, isagoo ka ahaa Mu’addin Masjid, waxaa uu joojiyay heesaha iyo guud ahaan arrimaha la xiriira fanka, isagoo u go’ay u qidmeynta diinta.







