Aug 17 (Jowhar)-Dowlada Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaal saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta kumeelgaarka ah ee maamulka Koofurgalbeed.
War Saxaafadeed ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in ciidamada dowlada ay fashiliyeen weerar ay dagaalamayaasha Alshabaab Iyo ciidamo taabacsan Laftagareen madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed ku soo qaadeen magaalaa Baydhabo.
Qoraalka ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga ayaa lagu sheegay in saldhigyo ay ciidamada ku lahaayeen Baydhabo lagu soo weeraray gaadiid waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay kadibna halkaas uu ka dhacay dagaal sababay inay ku dhintaan illaa soddon ka mid ah kooxdii weerarka ku soo qaaday ciidamada dowlada.
“Soddon ka mid ah waa la diley,qaar kalana waxaa la qabtay iyagoo nool sidoo kale waxaa ciidamada dowlada ay gacanta ku dhigeen hub faro badan.”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada gaashaandhigga. Magaalada Baydhabo ayaa Degen hadda iyadoo guud ahaan magaaladana laga saaray ciidamadii soo weeraray.
Halkan hoose ka aqriso qoraalka ka soo baxay dowlada federalka ee ku saabsan dagaalka Baydhabo.






