Tuesday, August 18, 2026
Home NEWS Madaxweyne Xasan oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

Madaxweyne Xasan oo safar dhulka ah ku tegey Gaalkacyo

138

Aug 17 (Jowhar)-Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta gaaray koonfurta Gaalkacyo ee gobolka Mudug, xilli uu safar dhulka ah ku marayo deegaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Ka hor inta uusan soo gaarin Gaalkacyo, Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu wehliyo hoggaamiyaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyay magaalada Bandiiradleey ee gobolka Mudug, halkaasi oo ay isugu soo baxeen boqolaal ka mid ah shacabka magaalada.

Booqashada Madaxweyne Xasan Sheekh ee magaalada Gaalkacyo ayaa qayb ka ah safarkiisa nabadda iyo u kuur-galka nolosha bulshada Galmudug, kaas oo uu ku marayo degmooyin iyo deegaanno ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug.

Ammaanka magaalada Gaalkacyo ayaa aad loo adkeeyay iyadoo safarka Madaxweynaha ay la socdaan ciidamo faro badan.
Dhinaca kale maamulka Puntland ayaa si weyn u adkeyay ammaanka dhinaceeda magaalada Gaalkacyo, iyadoo la hakiyay isku-socodka labada dhinac ee magaalada. Maamulka ayaa socdaalka madaxweynaha ku tilmaantay mid abuuri kara qalalaase, waxayna heegan galisay ciidamadeeda.