Wednesday, August 19, 2026
Home NEWS Sarkaal ka tirsan dowlada Hoose oo lagu diley Muqdisho

Sarkaal ka tirsan dowlada Hoose oo lagu diley Muqdisho

1

Maanta oo ah 31- Janaayo 2023 Mahad Hassan Hussein oo ka tirsanaa Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banadir ayaa lagu dilay ex-control afgoye ee Magaalada Muqdosho.

Marxuum mahad xasan xuseen ayaa ka mid ahaa shaqaalaha waaaxda Dakhliyada kala duwan ee Dowladda Hoose ee xamar. Mahad ayaa u qaabilsanaa waaxdaas soo aruurinta dakhliga taas oo loo sababeyno in dilkiisa aay ka dambeeyen kooxda alshabab oo diidan in la aruuriyo dakhli lagu taagerayo dowladda iyo kordhinta dhaqaalaha Gobolka banadir.

Mudda dhowr jeer oo hore ayay u hanjabeen marxuumka uguna goodiyeen in aay dili doonan hadii uu sii wado howshaan oo kasoo horjeedo mabda’a kooxda.

Sida ay arintaan u dhacday iyo walaaca qoyska ayaa waxaa media uga waramay walaalkiis ka yar Abdizaiz Hassan Husein oo isna ah supervisor ka tirsan shaqaalaha waaxda dakhliga dowladda Hoose ee xamar.

Mudane abdiaziz ayaa sheegay in arintan dhowr jeer uu lasoo wadaagay walalkiis marxuum Mahad taas oo ka helay hanjabaado toos ah kooxdaas .
Waxuu abdizaiz sheegay in arintaan ay waalac wayn ku tahay dhamaan qoyska Dhimashada walaalkiis marxuum Mahad Xasan Xuseen
2019 ayee ahayd markii isla kooxdaas aay dileen aabaha dhalay marxuum mahad xasan xussen oo ahaa sargaal katirsanaay ciidanka deeganka xamar gaar ahaan kuwa la shaqeeyo qeeybaha canshuuraha dowladda Hoose ee xamar .
Ugu dambeyntii abdiazzi ayaa sheegay in qoyskooda dhibane u yihiin kooxda al-shabab kuwaas oo diidan la shaqeynta dowladda hoose ee xamar.