Golaha Samata-bixinta oo war-murtiyeer xasaasi ah soo saaray

0
136

Aug 14 (Jowhar)-Golaha Samata-bixinta  oo saacado badan wadahadalo u socday ayaa soo saaray war-saxaafadeed arrimo dhowr ah taabanaya.

Madasha Samata-bixinta war-murtiyeedka ay soo saareen waxey ku adkeeyeen in Puntland iyo Jubbaland laga qeyb geliyo wada hadalada Qaran.

Qoraalkooda waxey ku xuseen in hadafku yahay  in la gaaro heshiis buuxa oo ku saabsan doorasho toos ah, daah furan, oo lagu heshiiyo, isla-mar ahanataasina loogu gogol xaaro nidaamka Qof iyo Cod, kuna saleysan Dastuurkii 2012.