Aug 17 (Jowhar) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan gobolka GAlgaduud, gaar ahaan magaalada Dhuusamareeb, si uu halkaas uga bilaabo dar dar galinta dadaallada socda ee lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Safarka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xilli howlgalada amni ee ka socda gobollada dhexe ay hoos u dheceen bilihii lasoo dhaafay, iyadoo ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ay dagaallo culus kula jiraan kooxaha argagixisada ah ee wali ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Galmudug.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu kulammo muhiim ah la yeesho madaxda maamulka Galmudug, saraakiisha ciidamada, iyo bulshada rayidka ah, si loo dar-dargeliyo qorshaha lagu ciribtirayo Al-Shabaab.
Madaxweyne Xasan ayaa marar badan ku celiyay in dowladdiisu ay ka go’an tahay in dalka laga xoreeyo argagixisada, isaga oo ku baaqay midnimo iyo iskaashi guud oo shacabka iyo dowladda dhex mara.
Safarkan Dhuusamareeb ayaa loo arkaa mid muujinaya sida dowladda federaalku ugu heelan tahay dagaalka kooxda, iyadoo la filayo in halkaas laga shaaciyo tallaabooyin cusub oo lagu xoojinayi amniga gobolka iyo guud ahaan dalka.