Sept 19 (Jowhar)- Madaxweynaha umadda Soomaaliya,Xasan Sheekh Maxamuud ayaa daah-furay Shirka Maalgelinta Horumarinta Dalka Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada madaxda ee Muqdisho, kaasi oo uu martigeliyay Bangiga Horumarinta iyo Dib-u-dhiska Soomaaliya (SDRB).
Shirka oo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiin ka socday hay’adaha dowladda soomaaliya, ganacsato, maamuleyaasha shirkadaha gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta taageerta horumarinta Soomaaliya, ayaa lagu gorfeeyay fursadaha iyo baahiyaha maalgelinta horumarineed ee dalka, iyada oo si gaar ah diiradda loo saaray sidii Soomaaliya looga gudbin lahaa marxaladda dib-u-soo-kabashada, looguna gudbi lahaa koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweynaha Jamhuuriyada ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mudnaan siinayso maalgelinta horumarka waara, kobcinta wax-soo-saarka gudaha iyo xoojinta doorka ganacsiyada gaarka loo leeyahay, si loo abuuro fursado shaqo iyo koboc dhaqaale oo waara.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Hiigsiga Qaranka ee 2060 uu yahay jihada fog ee Soomaaliya ku gaari karto dhaqaale kobcaya iyo horumar waara, taas oo u baahan maalgelin istiraatiiji ah oo lagu horumarinayo beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, tamarta, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo ganacsiyada.





