U gudub nuxurka
Sabti, 14 Nofembar 2026 4 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 572 SOS
Hadalhaynta U.S Trump Talks Election Cop31 Warns

Fiqi oo mucaaradka ku tilmaamay dhabadhilifyada imaradka iyo srael

Fiqi oo mucaaradka ku tilmaamay dhabadhilifyada imaradka iyo srael Wararka
Fiqi oo mucaaradka ku tilmaamay dhabadhilifyada imaradka iyo srael

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa hadallo kulul u jeediyay siyaasiyiinta mucaaradka, isagoo ku eedeeyay inay ka aamusan yihiin arrinta safiirka Israa’iil ee la sheegay inuu dhuumasho ku tagay magaalada Hargeysa.

“Kuwa Imaaraadka lacagaha soo siiyay ee jabhadaha sameeya la yiri, hal nin oo ka hadli kara safiirka Yuhuudda ee Hargeysa ma leh,” ayuu yiri wasiirka Gaashaandhigga.

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda amni ee magaalada Baraawe, isagoo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay la wareegeen magaalada kaddib markii ay halkaas ka baxeen ciidamada Uganda oo muddo 13 sano ah joogay.

“Ciidankeenna ayaa la wareegay magaalada Baraawe markii ay ka baxeen ciidamada Uganda ee 13-sano joogay,” ayuu yiri Axmed Macallin Fiqi.

Hadallada wasiirka ayaa ku soo aadaya xilli ay Soomaaliya ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta arrimaha gudaha, xiriirka dibadda iyo joogitaanka ciidamada Midowga Afrika ee dalka.

Warar Dheeraad ah