Ra’iisul wasaare Xamze oo 5 qodob kala hadlay safiirka Shiinaha

0
180

Aug 23 (Jowhar) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamze Cabdi Barre, ayaa xafiikiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya H.E. Wang Yu, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga soo qotada dheer ee u dhaxeeya labada Jamhuuriyadood.

Ra’iisul Wasaare Xamze ayaa uga mahadceliyey Shiinaha taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiyaan Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini’aadannimida.

Dhankiisa Danjire Wang Yu, ayaa xusay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi oo soo jireen ah, isla markaana ay dhankooda  sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed.