U gudub nuxurka
Arbaco, 25 Nofembar 2026 15 Jumaadal Aakhira 1448
Waqtiyada salaadda: Muqdisho
  • Subax
  • Duhur
  • Casar
  • Maqrib
  • Cishe
1 USD = 571 SOS
Hadalhaynta Russian Trump Gaza U.S Key Strike

Duqeyn Israel ay ka geysatay Gaza ayaa dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, xaaskiisa iyo carruurtiisa

Duqeyn Israel ay ka geysatay Gaza ayaa dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, xaaskiisa iyo carruurtiisa Wararka
Duqeyn Israel ay ka geysatay Gaza ayaa dishay sarkaal sare oo ka tirsan Xamaas, xaaskiisa iyo carruurtiisa

Weerarro ay Israel ka geysatay Gaza maalintii Arbacada ayaa lagu dilay ugu yaraan toddobo Falastiiniyiin ah.

Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Gaza, duqeyn xagga cirka ah ayaa dishay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adaha amniga Falastiin, xaaskiisa iyo gabdhihiisa.

Bayaan lagu daabacay barta Telegram-ka ee wasaaradda maalintii Arbacada, ayaa lagu sheegay in sarkaalkaasi uu ahaa Maxamed Maajid Abuu al-Cawf, oo 47 jir ah, kana ahaa agaasimaha Hay’adda Amniga Gudaha ee waqooyiga Gaza.

Bayaanka ayaa intaas ku daray in weerarkaas ay sidoo kale ku dhinteen xaaskiisa Nuura Cizzat Abuu al-Cawf (41 jir), iyo carruurtiisa oo kala ah Yusra Maxamed Abuu al-Cawf (15 jir) iyo Jaana Maxamed Abuu al-Cawf (13 jir).

Wasaaraddu waxay dhacdadani ku tilmaantay “xasuuq argagax leh oo ay geysteen ciidamada qabsashada Israel, markii ay duqeeyeen guriga qoyskaas oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Al-Shaati, galbeedka magaalada Gaza, saaka waaberigii”.

Waxay intaas ku dartay in weerarkani uu qayb ka yahay “isku-dayo joogto ah oo lagu wiiqayo hay’adaha amniga ee Marinka Gaza, iyadoo la doonayo in fowdo lagu dhex abuuro bulshada Falastiiniyiinta”.

Ilo-wareed ka tirsan Isbitaalka Al-Shifa ayaa u xaqiijiyay telefishinka Al Jazeera in afar qof oo isku qoys ah ay dhinteen, tiro kalena ay ku dhaawacmeen weerar ay Israa’iil ku qaadday dhisme guri oo ku yaalla xeryaha qaxootiga ee Al-Shaati.

Duqeyntani waxay dhacday wax ka yar 24 saacadood ka dib markii la dilay agaasimaha guud ee Hay’adda Amniga Gudaha, Sareeeye Guuto Naciim Abuu Naxal.

More News