James Swan iyo Lafta-gareen oo ku kulmay magaalada Baydhabo

0
237

Aug 25 (Jowhar)-Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kulan Kula qaatay.

Wakiilka Xoghayaha guud Qaramada Midoobey ee Arrimaha Soomaaliya Ambasidor James Swan oo ay wehliyaan Diblomaasiyiin kale oo maanta safar shaqo kuso gaaray Magaalada Baydhabo.

Kulanka Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen iyo Ambasidor James Swan oo ahaa mid saacado qaatay waxa ay uga wada hadleen Xoojinta xiriirka Dowladda Koonfur Galbeed iyo Qaramada Midoobey, Diiwan-Gelinta Cod Bixiyaasha, Taageerada Hay’adaha Qaramada Midoobey ee dhanka horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadannimo, Dadaallada Nabadda iyo Amniga, gaar ahaan Dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo Horumarinta Adeegyada Bulshada iyo Barnaamijyada Dowlad-dhisidda.

Madaxweyne Laftagareen ayaa uga mahadceliyey Qaramada Midoobey kaalinta ay ka qaadanayaan taageerada Soomaaliya, halka Ambasidor James Swan uu ku ammaanay Dowladda Koonfur Galbeed sida ay uga shaqeeyaan Arrimaha Nabadda iyo Xasilloonida.

kulanka Madaxweynaha waxaa ku wehlinaayey Wasiirada Wasaaradaha Qorshaynta, Arimaha Gudaha, Haweenka iyo Shaqada iyo Arimaha Bulshada Dowladda Koonfur Galbeed.