Aug 26 (Jowhar)Madaxweynaha maamulka Puntland Said Abdullahi Deni ayaa maanta qaabilay Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo.
Kulanka oo ay ka qeybgaleen xubno ka mid ah Golaha Xukuumadda ayaa looga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan Amniga , Siyaasada iyo arrimaha ban’aadantinimo.
Labada mas’uul ayaa Sidoo kale isla soo qaaday Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee hadda ka socda Calmiskaad, iyadoo ay Qaramada Midoobey ku boggaadisay Dowladda Puntland sida ay isaga ciribtirayso Argagixisada.
Swan ayaa maalin kahor safarkan mid lamid ah ku tagay magaalada Baydhabo, halkaasoo kula soo kulmay madaxweynaha Koofur Galbeed Lafta-gareen.