Fanaanka Safwaan Halac oo ku geeriyooday shil ka dhacay Hargeysa

0
76

Sep 01 (Jowhar)-Wararka ka imaanaya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in fannaanka da’ada yar, Safwaan Xasan Aadan (Safwaan Halac) uu ku geeriyooday shil baabuur.

Shil gaadhi oo xalay abaaro saddexdii habeenimo ka dhacay jidka laba boqol ee Magaalada Hargeysa, ayuu ku geeriyooday Marxuumku.

Fannaanka ayaa imika Maydkiisu yaala Isbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, iyada oo uu socda qorshaha aaskiisu.

Marxuumka ayaa saddexdii bilood ee u dambeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa ka dib markii uu ka soo noqday dalka Ireland oo uu degnaa.

Gaariga uu shilka ku galay ayaa la sheegay inuu isaga watay.

4-ta bishan ayuu qoraheynayay inuu bandhig faneed qabti.