Sep 03(Jowhar)-Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal culus oo si gaar ah loo qorsheeyay ka fuliyay deegaanka Show ee gobolka Hiiraan.
Howlgalkan waxaa lagu dilay Sarkaal sare oo ka tirsan kooxda Shabaab oo lagu magacaabo Xuseen Cabdullaahi Dalab, oo loo yaqaanay “Caamir,” kaas oo ahaa horjoogaha waxa ay ugu yeeraan amniyaadka qaybta Hirshabeelle.
Dhagarqabahan ayey dowladda sheegtay inuu ka qayb qaatay falal badan oo dhagar ah, ugu danbeynseisagoo ayaa nafta la dhaafiyay.