Duqa Muqdisho oo furaay Waddada “ VIA MOSCOW”

0
279

Sep 07(Jowhar)-Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa maanta xarigga ka jaray wadada dib loo dhisay ee VIA Moskow, taas oo isku xirta buundooyinka degmooyinka Xamar Jajab iyo Waaberi.

Wadadan oo ka mid ah halbowlayaasha muhiimka ah ee caasimadda, islamarkaana kor u qaadaysa isku socodka bulshada iyo horumarka magaalada, ayuu Dr. Muungaab sheegay in dhismaheeda uu muddo lix bilood hakad ugu jiray sababo la xiriira maqnaanshaha dhaqaalaha, kadib markii shirkaddii qandaraaska la siisay aysan helin qarashkii fulinta mashruuca. Wuxuu xusay in hadda Dowladda Hoose ee Muqdisho ay si buuxda u maalgelisay.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ku boorriyay in si wadajir ah loo ilaaliyo nadaafadda iyo bilicda wadada, isaga oo carrabka ku adkeeyay in ciddii ku xadgudubta sharciga lala tiigsan doono.

Waxa uu intaa ku daray in maamulka Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Muqdisho, iyo bulshada caasimadda ay tahay inay iska kaashadaan: Ilaalinta adaafadda, bixinta canshuuraha, iyo u dulqaadashada saxmadda wakhtiga dhismaha wadooyinka, maadaama laga shaqaynayo in la helo wadooyin tayo leh oo waara.