Xiisad ka dhalatay dilka Charles Kirk oo ka taagan Mareykanka

0
97

Sep 11(Jowhar)-Charles Kirk waxa uu ahaa 31 jir Mareykan ahna  taageere koox diimeedka Isral aad u taageera ee loo yaqaan ‘Kirishaanka Zahnuuniyiinta’ ee rumeysan in Yhdu tahay dad Alle ka doortay ummaddiisa kale. Warbaahinta baraha bulshada ee Charles Kirk oo hore aad u taageeri jirtay xa-suuqa Isra ee Qasa ayaa bilahaan danbe aad uga hortimid siyaasadda Isra ee ku wajahan dadka iyo dawladda Mareykanka. Charles Kirk waxaa kale oo uu Isra ku eedeeyey in ay hagi jirtay ninka la yiraahdo Jeffrey Epstein oo lagu eedeeyey in uu madaxda Mareykanka, madaxweynayaal illaa xildhibaano iyo ganacsato uu carruurta yaryar u geyn jiray jasiirad uu leeyahay, kana duubijiray muuqaalo aysan ka warqabin. Muuqaaladaas oo loogu goodin jiray in bannaanka la soo dhigayo haddii aysan fulin siyaasadda Isra.

Isbaddalka siyaasadda Charles Kirk ee Isral oo saameyn xooggan ku yeelatay dhallinta Mareykanka ayaa wararka qaar sheegayaan in ay ka xanaajisay RW Netanyahu, uuna Netanyahu u sheegay Charles Kirk in uu u yimaado, laakiin se uu Kirk ka biyodiiday.

Shalay Charles Kirk oo ka hadlaya jaamacad ku taal gobolka Utah, ayna ka soo qaybgaleen kumannaan dhallinyaro ah ayaa xabbad meel fog laga soo riday waxaa lagala beegtay halbowlaha dhiigga qaada ee hunguriga agtiisa. Dilka ayaa la sheegay in uu fuliyey dilaa shaqadiisa yaqaan iyo waliba habka fakashada. Waxaa kale oo jira astaamo caddaynaya in si nidaamsan loo fuliyey dilka ayada oo isla markii ay xabbadu dhacday ay laba nin midba meel ka qayliyey ayaga oo iska dhigaya in ay dilka fuliyeen. Laakiin nus saac kabacdi waxaa la xaqiijiyey in labada nin uusan midkoodna fulin dilka, intii ayaga lagu mashquulsanaana uu dilaagu raadkiisii tirtiray, si dareen la’aan ahna uu fagaarihii kulanka uga siibtay.

RW Netanyahu oo hadda ku mashquulsan duqeynta dalalka Suuriya, Qadar iyo Yemen iyo waliba hanjabaadaha Iran iyo Turkiga ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka tacsiyeeya geerida Charles Kirk.

Haddaba yaa dilay Charles Kirk, mise suurtagal baa in dilaagiisa gacanta lagu soo dhigo? Sida ay hadda qabaan badi dhallinta Mareykanku, rajo lagama qabo in la soo qabto dilaaga, fartana hal meel oo kaliya baa lagu fiiqayaa.

Waxaa kale oo jira, ahna wararka aad la isula dhexmarayo, in Mareykanka uu dilka Charles Kirk u soo qaban doono qof Muslin ah oo maskiin ah oo aan waxba galabsan, si dhallinta Mareykanka ee taabacsan qadiyadda Falastiin loo jiheeyo, loogana horkeeno dadka Islaanka ah iyo waliba taageeradooda reer Qasa.

Shakiga danbe ayaa lala xiriirayaa wajigii hore ee Charles ee uu si aan gabasho lahayn u taageri jiray x-asuuqa Isral ka waddo Qasa, taas oo sababtay in dad badan oo Muslimiin ahi ay aad u karaahiyeystaan Kirk, dhimashadiisana ku reyreeyaan. Dadkan ayaan la socon isbaddalka siyaasadda Charles Kirk iyo sida uu markii danbe uga horyimid qorshaha Yhda ee Mareykanka iyo waliba siyaasadda Netanyahu ee Bariga Dhexe.