Maxkamadda gobolka Banaadir oo 15 sano xarrig ah ku riday Haweeney $1.2 milyan u uruurisay Shabaab

0
94

Sep 16(Jowhar)-Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta xukun ku ridday Nadiifo Xasan Cabdicqaadir Cabdulle, oo hore uga tirsaneed Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, kadib markii lagu helay dambiyo culus oo la xiriira taageeridda Al-Shabaab, maalgelinta falalka argagixisada iyo dhaqidda lacag sharci-darro ah.

Baaritaanno iyo caddaymo ay soo bandhigeen hay’adaha amniga ayaa muujiyey in akoonkeeda lagu shubay lacag dhan $1,237,010 (hal milyan, labo boqol soddon iyo todoba kun iyo toban doolar), taas oo loo adeegsaday maalgelinta hawlaha argagixisada.

Maxkamaddu waxay ku xukuntay:

15 sano oo xarig ah, Ganaax lacageed oo dhan $20,000, In la baabi’iyo akoonkeeda iyo In dhammaan hantida akoonka ku jirta lagu wareejiyo dowladda

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay in go’aankani yahay fariin cad oo muujinaysa sida dowladdu uga go’an tahay la-dagaallanka maalgelinta argagixisada iyo dhaqidda lacagta sharci-darrada ah.