Sep 21(Jowhar)-Mareykanka ayaa maanta labo duqayn ka fuliyey togga Baalade ee gobolka Bari, kuwaas oo lagu bartilmaameedsaday kooxda IS, sida ay xaqiijisay Puntland.
War-saxaafadeed kasoo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in weerarradu ay ahaayeen kuwo qorshaysan oo lagu dilay xubno ka tirsan kooxda, inkasta oo aan weli la shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha soo gaaray.
Weerarradan ayaa qeyb ka ah iskaashiga ka dhaxeeya Puntland iyo saaxiibada caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee ku dhuumaaleysanaya buuraha gobolka Bari.
Weerar noocan lamid ah ayaa sidoo kale Mareykanka ka fuliyeen gobolo kale oo dalka ah oo ay la beegsadeen kooxda Shabaab.