Ciidamadda Puntland oo gacanta ku dhigay markab hub culus siday

0
347

Jul 18 (Jowhar) Ciidanka Ilaalada Xeebaha Puntland (PMPF) ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta ku dhigeen markab sida hub culus oo ku soo xirtay xeebta degmada Bareeda. Hubkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid aan hore dalka loo keenin, isla markaana uu ku jiro qalab dagaal oo culus oo casri ah.

Markabkan ayaa lagu soo waramayaa inuu xambaarsanaa baabuur gaashaaman oo culus, beebayaal casri ah, iyo hub noocyo kala duwan leh, kuwaas oo dhammaantood wata calaamadaha dowladda Turkiga. Sida ay sheegeen warbaahinta gudaha, shixnaddan hubka ah waxay kusoo socotay magaalada Muqdisho.

Tallaabadan ayaa timid kadib howlgal qorshaysan oo ay sameeyeen ciidamadda smniga taasoo lagu qabtay markabka, waxaana hubkii iyo baabuurtii lagu wareejiyay gacanta ciidanka Puntland.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in baaritaan ay socdaan si loo ogaado cidda hubkan iska leh iyo sababta loogu soo waday Muqdisho. Ilaa hadda, dowladda Federaalka Soomaaliya kama aysan hadlin dhacdadan.

Qabashada hubkan culus ayaa kusoo beegmaysa xilli ay dalka ka jiraan xiisado amni iyo mid siyaasadeed oo kacsan, taas oo dareen cusub ku soo kordhisay xaaladda gobolka.