Sep 29(Jowhar)-Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbadiisa furitaanka kalfadhiga 7aad ka sheegay in khilaafkooda ay xalisanayaan, isla markaana aanu khilaafka lagu xalin xoog iyo xabad ee lagu xaliyo wada hadal.
Hadalkan ayuu Madaxweynuhu ugala jeeday safarka uu dhawaan ugu socdaalayo Kismaayo, kaddib sanad oo dowladdu ku guuldareystay isku daygeedii ahaa inay dagaal iyo xabad xukunka kaga tuurto Hoggaamiyaha Jubbaland.
“Waxaan dadaal ugu jirnaa walaalaha ka gows qabsaday Golaha Wadatashiga Qaran (Puntland iyo Jubbaland) sidii aan u raadin laheyn, Maqaamka iyo mas’uuliyadda lagu kabay odaynimo ayaa na faraya inaan qof kasta wax tabanaya aan raadino waana ku sii soconeynaa”
“Waxaan dooranay in khilaafka aan ku xalino wada hadal iyo is afgarad”
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhanka kale sheegay in Miisaaniyadda dalka inta ugu badan lagu bixiyay xoreynta dalka, waxaa uu sheegay in Argagixisada ay u aheyd Caasimadda masrax ay ku ha laan riwaayad diimeed been ah oo ku saleysan qaraxyo iyo dhiig ay waddooyinka ku daadiyaan.
Madaxweynaha ayaa sheegay in amniga caasimadda uu wax weyn iska bedelay siduu ahaa sanadihii hore, isla markaana hey’addaha amniga sugeen amniga, Argagixisadana madaxdooda meelo fog fog lagu beegsanayo.