Madasha mucaaradka oo Nairobi u direyso Saddex xubnood oo la shirta Deni iyo Madoobe

0
59

Nov 01(Jowhar)-Wararka naga soo gaaraya magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in Madasha Mucaaradka ay saddex xubnood oo matalaya maanta u direyso halkaas, si ay kulammo siyaasadeed ula yeeshaan Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Saciid Cabdullaahi Deni.

Madaxweynayaashan oo siyaasad ahaan garab ku ah Madasha Mucaaradka ayaa wada hadallo kula jira xubnahaas, iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee loo wajihi karo wadaxaajoodka lala geli doono Villa Soomaaliya.

Kulankan ayaa loo arkaa mid muhiim u ah isku-duwidda mowqifka mucaaradka iyo madaxda maamul goboleedyada, ka hor tallaabo kasta oo siyaasadeed oo dhab ah oo looga gudbi karo khilaafka taagan.

Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inuu Kismaayo gaaro madaxweyne Xasan Sheekh si uu wadahadalo ula yeesho Axmed Madoobe oo khilaaf xooggan ay ku kala maqan yihiin bilihii lasoo dhaafay, isu soo dhaweynta Kismaayo iyo Muqdisho waxaa door muuqata ka ciyaartay Imaaraatka Carabta. Lama oga sida la isu waafajin karo shuruudo waaweyn oo ay Xasan iyo Madoobe kala wataan.