Soomaaliya oo ka qeybgashay Shirweynaha Maalgelinta Cimilada Maaliyadda Afrika ee Addis Ababa

0
63

Nov 01(Jowhar)-Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gabagabeeyay shirweynaha heer gobol ee Maalgelinta Cimilada, kaas oo ay ka qeybgaleen madax ka socotay Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Adduunka (GCF), hay’ado caalami ah, wasiirro maaliyadeed oo dalal Afrikaan ah iyo hey’ado dowladeed oo kala duwan.

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada Soomaaliya (NCF), Liban Aadan Obsiye, oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in kaliya isku-duwid, hoggaan iyo lahaansho qaran ay xaqiijin karaan guusha maalgelinta cimilada, isaga oo hadalkaan ka jeediyay kulan gaar ah oo ku saabsanaa madasha Cimilada Cagaaran (GCF Platforms).

Agaasimaha Fulinta Sanduuqa Qaran ee  Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, Liban Obsiye ayaa sharaxay nidaamka cusub ee Maalgelinta Cimilada Soomaaliya oo lagu aasaasay Wareegto Madaxweyne sanadkii hore, islamarkaana uu hoggaamiyo Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada (NCF) oo hoos taga Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya. Waxa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay Dowladda Federaalka Soomaaliya siinayso helitaanka hay’ad qaran oo la aqoonsan yahay si loo isticmaalo nidaamyada qaranka, loo xoojiyo hay’adaha iyo in lagu yareeyo kharashaadka hirgelinta. Waxa kale oo uu xusay muhiimadda dhismaha iyo xoojinta awoodda hay’adaha qaranka iyadoo si istiraatiiji ah loo adeegsanayo maalgelinta Cimilada Maaliyadda.

“xaaladdaheena nugul, doollar kasta oo maalgelin ah waa in uu ka dhasho saameyn wax ku ool ah oo dhisa adkaysiga dadka ugu nugul. Lahaanshaha, hoggaanka iyo isku-duwidda qaranku waa lama huraan si taas loo gaaro,” ayuu yiri Agaasimaha Sanduuqa Cimilada, Mr. Obsiye.

Wuxuu intaas ku daray in helitaanka maalgelinta cimilada weli caqabad ku tahay dalal badan oo Afrikaan ah, inkasta oo qaaradda ay tahay tan ugu badan ee maalgelinta cimilada aysan ka jirjn. Sidaas darteed, ayuu sheegay, in qorsheynta miisaaniyadda, kordhinta dakhliga gudaha iyo waxtarka kharashaadka dowladda ay yihiin kuwo asaasi ah si wax looga beddelo farqiga weyn ee maalgelinta cimilada. Waxa kale oo uu carrabka ku adkeeyay in dowladuhu khasab tahay in maalgelinta cimilada lagu daro istiraatiijiyadaha dhaqaalaha guud ee qaranka iyo qaab-dhismeedka maaliyadeed, maadaama ay saamayn weyn ku leedahay kharashaadka dadweynaha ee Afrika.

Intii uu shirku socday Agaasimaha Sanduuqa Qaran ee Isbeddelka Cimilada, ayaa shirar muhiim ah la qaatay madax ka tirsan Sanduuqa Cagaaran ee Maaliyadda Cimillada Adduunka iyo Hey’addo kale oo Maaliyadeed oo ka shaqeeya arrimaha Maaliyadda Cimilada.

Soomaaliya dhawaan ayay aasaastay Sanduuqa Qaranka Isbeddelka Cimilada si wax looga qabto saamaynta isbeddelka cimilada iyo in lagu taageero wax ka qabashada arrimaha khatarta leh sida abaaraha iyo roob la’aanta soo noqnoqday ee si weyn u saameeyay bulshada reer guuraaga ah. Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ku bixineysa sidii ay dalka iyo dadka Soomaaliyeed uga faa’iideyn lahayd maalgelinta cimilada ee caalamiga ah.